Bosaso International Airport Will Have Fuel Depot. PIC

Status
Not open for further replies.

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
(Sawirro) Shirkada shidaalka diyaaraddaha ee DS Aviation oo shaqadeeda kaydka shidaalka garoonka diyaaraddaha Boosaaso ay gabagabo Marayso
Iyadoo dhawaan la filayo in la furo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaaladda Boosaaso ayaa waxaa si muuqata usoo kordhaya diyaargarowga ay u samaynayaan shirkadaha shaqada kawada garoonku inuu si habsami ah u furmo waqtigii loogu talo galay.

Shirkadda DS aviation fuel oo ah shirkad ka ganacsata shidaalka diyaaradaha ayaa ka mid ah shirkadaha dadaalka badan u galay inay diyaaradaha isticmaalaya garoonku helaan adeeg shidaal oo dhamaystiran islamarkaana waafaqsan heerka caalamiga ah.

Shirkaddan oo ay leeyihiin saamigeeda dhamaan ganacsato reer Puntland ahi, waxay kawadaa garoonka diyaardaha ee magaaladda Bosaso mashruuc balaaran oo labo waji ah kuna kacaya qiyaas ahaan lacag dhan $10,000,000.

Wajiga hore ee mashruuca oo hadda maraya meel gabogabo ah ayaa noqonaya dhismaha haamaha kaydka shidaalka diyaaradaha ee garoonka dhexdiisa kaasoo qiyaas ahaan awooda in lagu kaydiya shidaal dhan 5,000 oo fuusto.

Waxaa kaloo qayb ka ah wajiga hore baabuurta casriga ah ee shidaalka siisa diyaaradaha oo ay shirkaddu keenayso baabuur la sameeyey sanadkaan 2015ka, dhismaha haamaha dab damiska iyo dhamaan agabka kale ee looga baahan yahay nabadgalyada shidaalka.

Wajiga labaad ee mashruucan oo bilaabanaya sanadka 2016 ayaa ah dhismaha kaydka guud ee shidaalka diyaaradaha oo isna laga dhisayo magaaladda Bosaso.

Sida qorshuhu yahay toban haamood oo tiiba qaado ilaa labo milyan oo liter oo shidaalka diyaaradaha ah oo waafaqsan heerka caalamiga isla markaasna leh agabka kale ee lagama maarmaanka ah sida xarumaha dabdamiska, dhuumaha qaada shidaalka ee dekedda Bosaso ilaa xarunta kaydka shidaalka iyo dhuun badda dhexdeeda marta oo si toos ah uga soo qaada markabka shidaalka wada keentana kaydka haamaha ayey shirkaddu ka dhisi doontaa isla magaaladda Bosaso.

Dhismaha kaydka shidaalka diyaaradaha ee Bosaso waxuu sababi doonaa in si sahlan shidaalka diyaaradaha loogu keeno maraakiib loona kaydiyo shaidaal ku filan dhamaan garoomada diyardaha ee Puntland iyo garoomadda la dariska ahba.

Maareeyaha guud ee shirkadda DS aviation fuel Gorod Guufe Xasan ayaa sheegay in shirkadiisu isbadal muuqda ku samayn doonto habkii looga shaqayn jiray shidaalka diyaaradaha ayna soo kordhin doonaan farsamooyin casri ah, shaqo abuur badan iyo canshuur ay dawladdu ka hesho shidaalka diyaaradaha ee ay keenayaan wadanka.

Maareeyuhu waxuu balan qaaday in shirkadiisu ay la jaanqaadi doonto furitaanka garoonka Bosaso sidoo kalena ay qorshe wanaagsan oo dhisme kayd shidaal ah u hayso kana bilaabi doonto garoonka Garowe.

Hoos Ka Daawo Sawiro Badan;-

 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
IMG-20151229-WA0006.jpg

IMG-20151229-WA0007.jpg

IMG-20151229-WA0009.jpg

IMG-20151229-WA0011.jpg

IMG-20151229-WA0013.jpg

IMG-20151229-WA0014.jpg

IMG-20151229-WA0017.jpg

IMG-20151229-WA0018.jpg

IMG-20151229-WA0020.jpg

IMG-20151230-WA0000.jpg
 
It's nice to see the progress of our people.
In sha allah the Somali people will get out of the difficulties they have encountered so many years.
G-d bless the Somali people and may the new year bring them peace and joy.
 
I

InaFreja

Guest
Tfw when you'll be soon jetting straight into Bosaso and not spending hours at Egal anymore in transit :rejoice:

Cali Max'ed Gedi will be at the opening ceremony I heard :hmm:
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Latest posts

Top