Axmed Madoobe Visits Qalbi Dhagax [PICTURES]

Status
Not open for further replies.
Blackie visits Mr Stoneheart

Sawirro: Axmed Madoobe Iyo Qalbi Dhagax Oo Ku Kulmay Addis Ababa

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa magaalada Addisa Ababa ee dalka Itoobiya waxa uu kula kulmay C/kariin Muuse Qalbi Dhagax oo u xiran dowladda Itoobiya.

Kulankan oo la sheegay in uu saakay dhacay ayaa waxa uu madaxweyne Axmed Madoobe ku booqday halka uu ku xiran yahay Qalbi Dhagax, waxaana ay ka wada hadleen arrimo badan.

Sida wararka ay sheegayaan, Axmed Madoobe ayaa dhanka kale waxa uu dowladda Itoobiya kala hadlay sidii dib xorriyaddiisa loo siin lahaa Qalbi Dhagax.

Cabdikarim Qalbi-dhagax waxaa ay dowladda Soomaaliya dhiibtay August 2017-kii, iyada oo baarlamaanka federaalka ah uu November 18, 2017 dhiibista Qalbi-dhagax ku tilaamay mid sharci-darro ah.

https://goobjoog.com/sawirro-axmed-madoobe-iyo-qalbi-dhagax-oo-ku-kulmay-addis-ababa/

Q1.jpg

Q2.jpg
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top