AUN to Cali Mire Cawaale Somalia National Hero

Cartan Boos

Average SSC Patriot
VIP
Last night in America, may God have mercy on him, Ali Mire Awale who was the poet who composed the Somali national anthem 'Somalis Wake up'
 

Cartan Boos

Average SSC Patriot
VIP
Inaalilaah wa inaa ilayhi raajicuun , allah ha unaxariisto aqoonyahan abwaan Cali Mire Cawaale, oo ku geeriyooday Columbus Ohio, USA.

Guud ahaan waxaan uga tacsiyeynayaa ummada Somaliyeed iyo reer SSC gaar qoyska reer Cali Mire iyo walaal Wacan Ismail samir iyo iimaan saadaq ah ebbe haka siiyo. Abwaan Cali Mire waxa uu ahaa aqoonyahankii u horeeyey ee qalinka uqaatay bar baarinta dhallaankii Soomaaliyeed isagoo ahaa macalimiintii ugu horeysay iskuulkii Sheekh. Wuxuu wqx baray rag badan oo magac iyo milgo ku lahaa qaranka Soomaaliyeed .

Wuxuu ahaa aabbe iyo bar baariye abwaan aad looga dheehdo suugaantiisa shakhsiyada iyo dun wanaaga Cali Mire Cawaale. Abwaan Cali Mire waxa uhaa abwaankii sameeyey heestii Soomaaliyeey toos oo ah heesta calanka Soomaaliyeed oo aad midhaheeda ka dheehan karta macnaha ay ulahayd Somali iyo xilka iyo culeyska korkiisa saarna ee ebbe ku gaar yeelay. Abwaan Cali Mire sidookale waxa uu leeyahay gabayo lagu dhigto iskuulada oo uu kamid ahaa gabaygii uu utiriyey gabdhihiisa oo u rajo nimo ku koriyey isagoo la dar daarmaya ayuu yidhi: Da’ qofkii noqdaa loo ogaa inu dardaarmaaye.

Gabdhayow duq baan ahay haddeer aan durdurineyne. Waxaan idinka doonaana waa daacad iyo xooge. Carruurtaan ducaysneyne way degel xumaataaye. Inaad dadaahaysaan ilmaha idinku doorroone. Haddaydaan dulqaad yeelan waa dibudhac reereede. Idinkaba wax badan baan dartiin daal u soo maraye. Duleed lagama helin xoolihiyo daartaad huruddaanne. Dagaal baan u soo galay waxaad duni arkaysaane. Dabbaan shiday intaan daango dubey rooti duhur qaatay. Daryeelkiina awgiis xawaash dumar la soo ibshay. Dadaal aan idiin qabo cuntada dacal ku soo laabay. Idinkaan dareemine ma yara diifta igu taalle.

Allahayow, daraaddiin maxaa “daanno” igu gaartay. Doqon iyo damiin iyo maxaan nacab la daaweystay. Dayac ka raw intii aan lahaa dacas maxay fuulay. Dereskooda yay mudan maxaan deyn u galay xoog leh. Dadku yuu rajo u garan maxaan dahab idiin siiyey. Dabayl iyo kulayl iyo maxaan dibad idiin meeray. Diihaal anoo qaba maxaan qariyey daalkayga. Kolkuu diiggu ciyo aawadiin dalag maxaan raadshay. -Dulbaax iyo baruur iyo maxaan dasib idiin keenay -Dermo iyo furaash iyo maxaan gogol idiin daadshay. -Diibaaj xariiriyo maxaan diric idiin gooyey -Middii dureyda lel dhexe maxaan daawadow kiciyey Dugaaggiyo maxaan idinka jirey daallin iyo meel xun -Maxaan idinka digey xaajo aan idinla diidaayo -Duurxul hadal ah naag tiri allow diiq maxaan geliyey -Dulmi idinka oo falay maxaan idinla soo duubtay. -Dembi aad samayseen maxaan duulal kale saaray. -Derejiyo wanaag iyo maxaan samo idiin doonay. -Duco iyo maxaan Eebbe-tuug idinku sii daayey. -Eeggana dantay aan hadlee waxaan ku soo duubay. -Daacad iyo werdiga Weynehey docogso mooyaane. Inaan daayo yaa ila gudboon duunyo dhiqiddeede. -Bal aan dayo abaal inuu dad galo daayin baa garane. Ugu dambeyn AUN abwaan Cali Mire Cawaale waxaa maanta oo taariikhdu tahay 24june2023/Sabti uu xaqii ebbe ugu yimi Columbus Ohio , USA.
 

Trending

Top