ASWJ Outside Dhusomareeb. Attack On GM Capital Imminent

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP

Ahlu Sunna oo dhaqdhaqaaq ka wada duleedka Dhuusamareeb.​

Posted by SBC Editor on November 22, 20210 Comments
FEw_2L5WUAQj8uU.jpg



Xoogaga Ahlu Sunna ee ku sugan deegaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud ayaa la soo sheegaya in abaabul ciidan ay ka wadaan halkaasi. Bohol waxay qiyaastii 30km dhinaca waqooyi kaga beegan tahay Magaalada Dhuusamareeb.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa la tuhunsan yahay inay damacsan yihiin weerar ay ku qaadaan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xoogaga Ahlu Sunna lagu arkay deegaano dhaca bariga Magaalada Dhuusamareeb.

Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa 8-dii bishan wareysi uu BBC siiyay waxaa uu ku sheegay inay doonayaan in heshiis awood qaybsi ah ay la gaaraan Maamulka Galmudug, maadaama ay markii horeba ahaayeen maamulo wax isku darsaday, sida uu yiri.
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
@TekNiKo ASWJ want power-sharing to be done in GM. ASWJ and GM came separately to the Garowe 1 and 2 constitutional talks, ASWJ is a legal entity in Somalia federation. @Bariire @Galmudug-State @bidenkulaha will just respond that this is all 'fake news' but what will they say when ASWJ is in control of Dhuso and GM kicked out.

They are 30 km from the capital of paper based GM

You need to accept ASWJ n GM are two separate governments
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP

Xog: Ahlu-Sunna oo abaabul dagaal wadda kuna siqday magaalada Dhuusomareeb​

6a6816a3adc4822fb3fc197f823fe2be
By Asad Cabdullahi Mataan

November 22, 2021

in Warar
https://www.facebook.com/sharer.php...aal-wadda-kuna-siqday-magaalada-dhuusomareeb/

Xog: Ahlu-Sunna oo abaabul dagaal wadda kuna siqday magaalada Dhuusomareeb


Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Xoogaga Ahlu Sunna ee ku sugan deegaanka Bohol, oo qiyaastii 30km dhinaca waqooyi kaga beegan tahay magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa la soo sheegaya in abaabul ciidan ay ka wadaan halkaasi.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa la tuhunsan yahay inay damacsan yihiin weerar ay ku qaadaan magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Cabdullaahi Cabdi Raage oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Ahlu Sunna ayaa mar sii horeysay bartiisa Facebook ku soo qoray “Ama Dhuusamareeb ama geeri, Insha’Allah.”

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xoogaga Ahlu Sunna lagu arkay deegaano dhaca bariga Magaalada Dhuusamareeb.

Bashiir Nageeye oo ka mid ah dhallinta magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Ahlu Sunna ay baqdin ku keentay dadka deegaanka.

“Ahlu Sunna oo aad u maleynayso inay ka careysan tahay hadalkii habeen dhaweyd ka soo yeeray Ra’iisal Wasaare Rooble ee ahaa inay nabadiid yihiin ayaa keentay abaabulka ay hadda ka sameynayaan gobolka. Nimankan siyaasadda ayay daneynayaan, dowladdiina ma ogolo in laga soo qaybgeliyo,” ayuu yiri Bashiir Nageeye.


Waxa kaloo uu yiri “Xalay waxaa la sheegay inay yimaadeen deegaanka Gadoon ee bariga Dhuusamareeb, taa waxaad mooddaa inay baqdin gelisay dadka deegaanka, qaar ka mida.”
Bashiir Nageeye ayaa intaasi ku daray “Reer Dhuusamareeb cidda ay wax ka maqlaan waa Odayaasha Dhaqanka, dhaqankiina waxay taageersan yihiin maamulka meeshaan ka jira.”

Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa 8-dii bishan wareysi uu BBC siiyay waxaa uu ku sheegay inay doonayaan in heshiis awood qaybsi ah ay la gaaraan Maamulka Galmudug, maadaama ay markii horeba ahaayeen maamulo wax isku darsaday, sida uu yiri.

Hoggaamiyaha Ahlu Sunna ayaa tilmaamay in daba-yaaqadii bishii October ee Guriceel uga baxeen dadaalo ay garwadeen ka ahaayeen dhinacyo kala duwan, ayna Galmudug diidan tahay in horumar laga sameeyo waan-waantii xilligaasi laga dhex bilaabay.

Macalin Maxamuud ayaa xusay in Dowladda Federaalka iyo Galmudug ay qaadayaan masuuliyadda tobanaanka qof ee dagaalkii Guriceel ku dhintay.

Ahlu Sunna oo dhowr iyo toban sano ka arrimineysay Gobolada Dhexe ayaa door muuqdo ku laheyd labadii xilli doorasho ee ugu dambeysay ee dalka laga qabtay, sanadihii 2012 iyo 2016.
 
So where are the Puntland Terrorists ahu Sunnah, their empty threats is getting boring, Galmudug has already begun and chosen it's MPs.

Travolta Legends GIF by Pixel Bandits


Perhaps Deni vs Diano conflict has taken Puntlands priority over their Terrorists aswj.
 
Top