Arab Nations League Praise PM Rooble for his Reconciliation efforts & Restoring of good Relations with Foreign Allies, .....

RW Rooble oo amaan aan caadi aheyn ka helay xoghayaha ururka Jaamacada Carabta
August 17, 2021

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga dalka Masar ayaa maanta booqday xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Xoghayaha Jaamacadda Carabta Axmed Abulqeyd.

Xog-hayaha Jaamacadda Carabta oo Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay booqashadiisa ayaa warbixin ka siiyay qaab howleedka JC, isagoo ku soo wareejiyay qeynaha ay ka kooban tahay.
Dr. Axmed Abulqeyd ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku ammaanay kaalintiisa hoggaamineed ee arrimaha doorashoiyinka iyo dib- u heshiinta, isagoo ballan qaaday in Jaamacadda Carabtu ay taageero dhan walba ah la garab joogto Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhankiisa ka mahadceliyay soo dhaweynta, isagoo tilmaamay in Soomaaliya oo xubin ka ah dalalka Jaamacadda Carabtu ay taageero dheeri ah ka fileyso walaalaheeda ku bahoobay JC, gaar ahan xilligan muhiimka ah ee dalku galay doorashada.


 

Dalalos_ibn_Adali

Caabudwaaq ana dega, Cadaado waa dhulkaygi
VIP
He better not do more of this
224920482_883799299200839_5565202174113333325_n.jpg
 
Top