Ciidanka Amniga Puntland ee PSF ayaa gudaha magaalada Boosaaso ku qabtay xubno lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.
Qoraal ka soo baxay Taliska PSF, ayaa lagu sheegay in ciidanku ay gacanta ku dhigeen xubno lagu tuhmayo, in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, kuwaasi oo haatan baaritaan lagu hayo.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay, in ciidanku ay labadii habeen ee la soo dhaafay hawlgallo ka wadeen gudaha magaalada Boosaaso, si looga hortago weerarada kooxaha Argagixisada ah.
Taliska PSF, waxay sheegeen in hawlgalladaas oo lagu beegsanayo Daacish iyo Al-shabaab ay weli ka socdaan xaafadaha kala duwan ee Boosaaso, si loo xaqiijiyo Amniga magaalada.
Sidoo kale, waxay u mahadceliyeen shacabka ku nool Boosaaso oo sida ay sheegeen ku garab siiyay helidda macluumaadka kooxaha Argagixisada ah ee Daacish iyo Al-shabaab.
PUNTLAND POST