Abu Mansuur surrenders to save his life

Status
Not open for further replies.

SomaliWadaniSoldier

Weeping for the Nation of 68
Interahamwe
VIP
August 13 (Jowhar)— Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur uu isku dhiibay maamulka Koofur galbeed iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaddib wada hadalo saacadihii la soo dhaafay ka socday deegaanka uu ku sugnaa ee Gobolka Bakool.

Afhayeenka Madaxtooyada Koofur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar ayaa u sheegay warbaahinta in Abuu Mansuur uu aqbalay inuu isku dhiibo dowladda, isla markaana loo qaaday degmada Xudur.

Wararka ayaa sheegaya in Abuu Mansuur keligiis oo aanay la socon ciidamadiisa isku dhiibay Maamulka Koofur Galbeed, iyadoo lagu wado in degmada Xudur kula kulmo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Koofur Galbeed

Mas’uuliyiin ka tirsan Koofur Galbeed ayaa shalay kula kulmay Sheekh Roobow agagaarka deegaanka Abal, waxaana wada hadaladaas laga gaaray is faham sida ay sheegayaan warar aanu heleyno.

Dagaalo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay waxaa Al-Shabaab iyo Maleeshiyada taabacsan Abuu Mansuur uu ku dhex marayay deegaanka Abal iyo agagaarkiisa, waxaana la sheegay inuu iska difaacay weerarkaas.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa saanad hub iyo ciidamo xoojin ah u dirtay Abuu Mansuur, si uu isaga difaaco weerarka Al-Shabaab uga imaanaya.

Al-Shabaab ayaa culeys saaray Abuu mansuur, tan iyo markii Mareykanka uu bishii June ee sanadkan ka saaray liiska Argagixisada iyo lacagtii dul saarneyd, waxaana Al-Shabaab ay ciidamo dul dhigeen aagga uu ku sugnaa 5-tii sano ee uu dibad jooga ka ahaa Kooxda.
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top