A Town in Somaliland region pays 40 Million dollars in Taxes has It's hospital with no electricity (Nurses use a Flash light to deliver babies)

Manafesto

[[Puntland Republic 🇸🇱]]PIM[[C.S(BihinYusuf)]
VIP
HalimoEnthusiast
Somaliland is defintely the most corrupt federal member state in Somalia, for 30 years the desert Northern Western region has been swindling IC money and has nothing to show for it.

To be honest, the IC has definitely wasted millions if not billions on this corrupt and donor depending state and so far the Somali residents that live in this barren and isolated part of the world still live in and absolutely poverty and unemployment is through the roof with no prospect for their Future..

It is sad that a 32 year old Somailand is barely ahead of the new FMS (baby states) like Jubbaland,Galmudug Hirshabelle in terms of human development, education, military, and such.

The Somali citizens of Somaliland need to rise up and toe this corrupt odyaal instead of defending them, it is clear that the SNM elites running the traingle don't care about their community.

I think it is about time Somalilander should wake up and smell the coffee, Somaliland has brutal Bandit and terrorists as president and he is not planning to step aside, so why not make another revolution/rebel to revolt this Kacaan copycat group called Jeegan before they get stronger and commit another genioce, waa iga talo.:vncu2n5:

Magaalo Somaliland U Soo Xeraysa Dakhli Dhan $40 Milyan Oo Cisbitaalkeeda Toosh Lagaga Umuliyo Haweenka​

Friday February 11, 2022 - 15:32:33

IMG_F70EEF-67E4E0-7AE949-4B6015-3C9B56-B84C43.png

"Wasaaradda Caafimaadka ninka Agaasimaha ka ahi waa reer Gabiley"
Wajaale, - (HWN)- Xoghayaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa barta uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxa uu ku sheegay dhibaatada caafimaad eek a taagan magaalooyinka Wajaale iyo Kala-baydh isaga oo soo qaatay hadal uu degmada Kala-baydh hore uga jeediyey oo ku saabsan xaaladda liidata ee adeegga caafimaad ee Magaalada Kala-baydh oo uu ku yaallo mid ka mid ah kastamada ugu waaweyn dalka. Halka uu sidoo kale xoghayuhu soo qaatay warbixin telefishanka MM Tv ka diyaariyay dhibaato ka taagan cisbitaalka Wajaale.

Xoghayaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre mar uu ka hadlayay xaaladda liidata adeegga caafimaad ee Kalabaydh waxa uu sheegay in Magaaladaasi Kalabaydh uu ku yaallo Kastam xukuumadda u soo xereeya sannadkii lacag dhan 40-Milyan oo Dollar haddana Cisbitaalka yar ee ku yaallaa koronto la’aan haweenka lagaga umuliyo toosh taasi oo uu ku tilmaamay wax aan la aqbali Karin, shacabkana Gobolka Gabilayna ku ah liidnimo sida uu Xoghayuhu hadalka u dhigay.

Xoghayaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: "Halkan aynu joognaa waa Kalabaydh. Halkaa waxaa iiga muuqda Kastamkii. Waa Kastamkii labaad ee ugu weynaa Somaliland. Sannadkii waxaa ka soo xerooda 40-Milyan oo Dollar oo ay Somaliland ka heshaa. Gobolkaa Gabilay waxa kaga soo noqda Afar ama Saddex Milyan iyo Badh. Kaasi halkaa isna ka muuqdaa waa Dhakhtarkii iftiin la’aantiisa Tooshka lagaga umulinayay Hooyooyinka.

Wax aan Kiiloo mitir ahayn ayay isku jiraan. Waa dadnimo xumo iyo liidnimo Reer Gabilayow in xoolaha umadda ee Intaa le’eg ee deegaankiina ka soo baxaya in haddana haweenkiinii Toosh lagaga umulinayo. Kuwa Madaxda ah ee Gobolka ka soo jeeda in ay maanta is casilaan bay ahayd.

"Madaxweynuhu halkan ayuu joogay wiiggii hore. Wasaaradda Caafimaadka ninka Agaasimaha ka ahi waa reer Gabiley, maxaydin u malayn Bulshooyinkii kale ee ka fogaa ee xaggaa iyo xuduudaha ku teedsanaa, dhaqaalaha aan lahayn, iyagana maxaydin u malayn?, Aqbali mayno 40-kaa Milyan in ay haddana haweenka deegaanku ku dhalaan Toosh lagaga umuliyo”. Ayuu yidhi

Dhinaca kale Xoghayaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre waxa uu Bartiisa ku baahiyey Warbixin uu Telefishanka MM-TV ka diyaariyay xarunta caafimaad ee Degmada Wajaale, taasi oo muujisay xaalad argagax leh oo ka taagan Cisbitaalkii Degmada Wajaale kaasi oo ku sugan xaalad uu Telefishanku ku sheegay mid aad u liidata iyada oo warbixintani muujinayso mushahar la’aan ay ka cabanayaan shaqaalaha caafimaadka ee Cisbitaalku, Qalabka duugga ah ee ku daranyooday cisbitaalka, adeeg la’aantiisa, fayo-dhawrkiisa oo liita iyo in uu isku baddalay goob laga guuray oo shimbiruha iyo xayawaannadu u hoydaan.

Degmadda Gabiley oo ah ta saddexaad ee ugu dakhli badan dalka waa ta keliya ee 23-ka degmo doorasho ee dalka aanay Miisaaniyaddeedii 2022 ansixin Goleyaashii la doortay ee Wakiiladda & Deegaanka Gabiley ee xaqa u lahaa” ayuu yidhi Xoghayaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre.
 
Last edited:
Top