A short poem about two despotic Somali rulers

Ba'leeyda gabay waayo dheer,buubi ma lahayne

Bulhaanteeda anigaa beneday ,baabka maansada e

Goorta se biligu uu kacaan ,anigu beegtaaye

Bal aan hurriyo cawoo kaalan ,erayga baanaaye

Badownimadu waa waxaa , bi'iyay Soomaal e

Basar xumada hogaankuna waa ,bixisadoodiiye

Nin waliba bartiisuu rabaa inuu baduugaaye

Maanta buluushii Geelleey, baroor ka sheegeene

Budhka Ciisaha waa kaa la dhacay,Badhaladoodiiye

Ee bayd xammaamiyo ku xiray,meelaan loo bogine

Muusana balaayuu wadaa oo burqanayaaye

Basar iyo hanaan sare la waa ,inuu bataaxaaye

Waa kuu Coldoon baacsaday oo ,aayar beegsadaye

Waa kuu bareer uula kacay ,geesigii baatulaye
 

Trending

Latest posts

Top