80 years old Somali lady has been supporting Waaberi football club for the past 47 years.

Status
Not open for further replies.

SS3

Salaam
Coley Maxamed Aadan waxay BBC-da u sheegtay iney deggan tahay degmada Waaberi, ayna kooxda wadata magaca degmadeeda taageereysay muddo 47 sano ah, ilaa inta ay nooshahayna ay sii wadi doonto taageeradeeda.


Waxay ka soo qeyb gashay ciyaartii kama dambeysta ahayd ee xalay ay foodda isku dareen kooxaha Waaberi iyo Shibis oo ka dhacday magaalada Muqdisho.


Iyadoo aad u faraxsan ayey u dabaal dageysay guushii ay kooxdeeda Waaberi ka soo hoysay tartankii ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir.


Coley oo 80 jir ah ayaa BBC u sheegtay iney taageerada kooxda Waaberi soo billowday sannadkii 1971-kii, ayna waligeed sidaas u garab taagnaan jirtay.


Waxay sheegtay iney wakhti badan u hurtay taageerada kooxda Waaberi iyo kooxdii berisamaadkii u ciyaari jirtay gobolka Banaadir.

  • _103574492_coley3.jpg
    Image captionColey waxaa abaalmarin guddoonsiiyey madaxweyne Farmaajo
"Waaberiyoow wanaagsanoow, Walaalihii waa is wataan", oraahdaas waxay ka mid ahayd erayadii ay ugu dhawaaqeysay farxadda awgeed.


"Koobka waxaan u qaadnay waa kalsoonida aan isku qabno, kulligeen waan is wada jecelnahay waana mideysannahay", ayay tiri.


Ka hor intii aysan bur burin dowladdii dhexe ee Soomaaliya, Coley ayaa mararka qaar dalka dibaddiisa u raaci jirtay kooxaha Waaberi iyo


Gobolka Banaadir, si ay u soo daawato ciyaaraha ay la yeelan jireen naadiyada kale.


Haweeneydan ayaa muddo ku dhawaad 50 sano ah laf dhabar u ahayd dhammaan taageerayaasha kooxda kubadda cagta ee Waaberi, waxayna caan ka dhex tahay bulshada.


Markii ay ciyaarta dhammaatay ayuu madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo guddoonsiiyay billad sharaf.


"Inta ay nafta igu jirto oo aan dhaqdhaqaaqayo, xitaa haddii aan ul ku tukubayo waan wadi doonaa taageerada, mana joojin doono, haddii aan socod ku gaari waayo waxaan ku tagi doonaa gur-guurasho si aan u taageero", ayey tri.

_103577690_coley1.jpg


Heesaha ay qaaddo inta ay garoonka ku jirto waxaa ka mid ah: "Waaberi oo hanuunsan baa yimide, howshaan haaneed ha loo yeelo, isla hela oo isla hoobiya, hammigeenna waan heleynaaye".


Waxay BBC-da u sheegtay iney iyadu curisay heestaas iyo heeso kale oo badan.


Coleey ayaa marka ay garoonka soo gasho waxaa u istaaga oo si weyn u soo dhaweeya dhammaan taageerayaasha kale ee kubadda cagta.


Xilligii burburka waxay ciyaaraha ku daawan jirtay garoommada bacaadka ah ee ay dhallinyarada ku ciyaaraan.


Waxay sidoo kale noo sheegtay in ay saameeyeen dagaalladii sokeeye ee dalka, kuwaasoo ay gabar uga dhaawacantay.


Codsi ay u dirtay madaxweynaha

Coley Maxamed ayaa sheegtay iney waligeed degganaan jirtay degmada Waaberi, ayna carruurteeda carruur ku dhaleen halkaas.Hase yeeshee, waxay ka dhawaajisay iney daggan tahay guri kiro ah oo aysan awood u lahayn iney lacagtiisa si joogto ah u bixiso.


Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayay ka codsatay inuu ka caawiyo sidii ay ku heli lahayd guri ay iyada leedahay.

"Madaxweynaha Soomaaliya, wiilkeyga Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo marwadiisaba waxaan ka codsanayaa iney dhul ii gadaan ama ii dhisaan" ayey tiri Coley.

----------

Hope Allah helps her with the renting issues..
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top