The copycat crime of raping AND killing young girls is becoming an epidemic.
A 17 year old girl in Abduwak who was supposed to get married in 2021, was raped and murdered
AUN miskeenta, samir to her loved ones.
A 17 year old girl in Abduwak who was supposed to get married in 2021, was raped and murdered
AUN miskeenta, samir to her loved ones.
Naxdin iyo cadho ka dhalatay gabadh "kufsi" iyo dil loogu geystay Caabudwaaq
29 Disembar 2020
![]()
XIGASHADA SAWIRKA,TQS
Ciidamada booliska ee degmada Caabudwaaq ayaa xidhay nin lagu tuhunsan yahay in uu "kufsi" iyo dil u geystay gabadh da'deeda lagu sheegay 17 jir oo "uur lahayd".
Baraha Bulshada ee Soomaalida ayaa si weyn loogu muujiyay naxdinta iyo cadhada ku aaddan falkaas oo lagu tilmaamay mid noociisa uusan horay uga dhicin Caabudwaaq.
Xubno ka tirsan qoyska gabadha la dilay - oo lagu magacaabi jiray Ubax Maxamed Yaxye - ayaa warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya u sheegay in marxuumaddu ay ahayd marwo uur leh oo la qorsheynayay aqal-galkeeda.
Gabadha oo qaaxo looga diray dhulka miyiga ah ayaa markii ay soo noqon weyday loo tagay meydkeeda, iyadoo ay ka muuqdeen dhaawacyo caddeynaya in "la gowracay".
Taliyaha ciidamada booliska ee degmada Caabudwaaq, Dhamme Farxaan Xuseen Xasan, ayaa BBC-da u sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen nin eedeysane ah oo looga shakisan yahay in uu falkaas geystay.
![]()
XIGASHADA SAWIRKA,TQS
Qoraalka sawirka,
Taliyaha booliska Caabudwaaq, Dhamme Farxaan Xuseen Xasan
Hase yeeshee wuxuu sheegay in dhankooda wali aysan xaqiijin karin in dilka gabadha uu la socdo kufsi, maadaama wali aysan soo bixin natiijada baadhitaan lagu sameeyay, si loo ogaado in dilkeeda ka hor la kufsaday.
"Falkan wuxuu ka dhacay meel baadiye ah oo dhowr kiiloo mitir u jirta magaalada. Kiiska waxaan usoo qabannay qof la tuhunsane ah, annagu boolis baan nahay ma sheegi karno in gabadha kufsi loo geystay iyo inkale laakiin dhakhaatiir baan u geynay, dhacaan baa laga qaaday walina jawaabtiisii ma aysan soo bixin, jawaabteedana waxaan ka sugeynaa laamaha caafimaadka," ayuu yidhi taliyaha.
Waxa uu sarkaalkan xaqiijiyay in qaabka gabadha loo dilay uu yahay gowrac, sidoo kalena caddeymo badan ay ugu tageen goobta.
"Dad lugeynaya oo baadiyaha kore daggan ayaa soo arkay, kaddib waxaa loo yeedhay gabadha hooyadeed iyo dadkii kale ee eheladeeda ahaa, kaddib annaga ayaa nala soo wacay, meeshii ayaan deg deg ku tagnay, waxaan ugu tagnay meydka oo gowracan, kallidana nabar kaga yaallo, dharkeedii, kabaheedii iyo qoryihii xaabada ahaana isdul-saaran yihiin, sawir ayaan meeshii ka qaadnay, raadkiina waan daba galnay ilaa ugu dambeyn aan ninka la tuhunsan yahay kasoo qabannay magaalada," ayuu yidhi.
Wuxuu intaas ku daray in ninka eedeysanaha ah uu meelo badan maray, laakiin markii ugu horreysay raadka kasoo baxay goobta falku ka dhacay uu toos u galay guriga hooyadiis.
Ninkaas oo silsilad ku xiran ayey boolisku u soo bandhigeen warbaahinta, iyagoo sheegay in aysan kala garaneynin inuu dhimirka ka xanuunsan yahay iyo in kale balse ay kuwareejiyeen laamaha amniga iyo baadhitaanka ee ciidamada Galmudug.
- Hooyo kufsi iyo dil loogu geystay Burco walaalkeed oo sharraxay waxa dhacay
- Kiiska Caa'isha: Sida baaritaanka hidda-sidaha DNA loo adeegsaday
![]()
XIGASHADA SAWIRKA,TQS
Wararka ayaa sheegaya in gabadha la dilay la qorsheynayay in uu arooskeeda dhaco billowga sanadka soo socda ee 2021-ka.
Falalka isugu jira kufsiga iyo dilka ayaa sannadihii dambe kusoo noqnoqday gayiga Soomaaliya. Meelo ka mid ah waddanka ayey horay uga dhaceen dilal iyo kufsi isla socda oo loo geystay gabdho dhalinyaro ah iyo kuwo carruur ah intaba.
Waxaa ugu dambeeyay mid dhacay qiyaastii labo bilood iyo bar ka hor.
Hooyo saddex carruur ah lahayd ayaa bishii October ee sanadkan kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Burco ee ka tirsan Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.