Workplace discrimination in Somaliland

Status
Not open for further replies.

Bohol

VIP
Properly one of the big taboo subjects. Big companies hire individuals based on clan most of the
time in backhome. 21 Kulmiye supporters have been fired from Daryeel (biggest construction
company in Somaliland) after their clan identity was found out.





[DEG DEG] Shirkada Daryeel Oo Shaqada Ka Eriday 21 Shaqaale Ka Dib Markii Ay Ogaadeen Qabiilka Ay Ka Soo Jeedaan Oo Shirkada Mamnuuc Ka Ah [Waayo Qabiilka Xaaraanta Laga Dhigay?]


Monday 29th May, 2017


DEG DEG Shirkada Daryeel Oo Shaqada Ka Eriday 21 Shaqaale Ka Dib Markii Ay Ogaadeen Qabiilka Ay Ka Soo Jeedaan Oo Shirkada Mamnuuc Ka Ah Waayo Qabiilka Xaaraanta Laga Dhigay?


Shirkada caanka ah ee qaabilsan qaybaha Dhismaha ee Daryeel C.C., Ayaa mudo bil gudaheed ah waxa ay shaqada ka caydhisay 21 shaqaale ah kuwaasi oo Olole baadhitaan oo la sameeyey lagu ogaaday qabiilka ay yihiin oo shirkada xeerkeedu mamnuuc ka dhigay in ay ka shaqeeyaan.

Beesha Bariga Burco qof ka soo jeedaa Shirkada Daryeel qayb kama noqon karo dhinac kasta oo ay tahay taasina waxa ay sababtay in ay shaqada waayaan 21 shaqaale oo fadhiyey xafiisyo kala duwan .

Waxa la sheegayaa in Madaxii Shirkadu Hargeysa yimi isla markaana uu amar ku bixiyey in baadhis lagu sameeyo shaqaalaha inkasta oo la sheegayo in wali masuuliyiin shirkada ahi baadhis hoose wadaan hadana sida Karin xogaha ku helayso shaqaalaha qaybo ka mid ah waxa ay qariyeen qabiilkooda ka dib markii ay arintan ogaadeen.

Ma jiro xuquuq la siiyey shaqaalaha Haybtoodu galaafatay ee shirkada Daryeel ka shaqaynayey isla markaana u joogay meelo kala duwan.

Xubnaha shaqada laga caydhiyey waxa ay ka kala shaqaynayeen. 7 Xubnood xafiiska Hargeysa. 10 Xafiiska shirkada ee ceerigaabo halka 4-ta xubnood ee kalana ay ka shaqaynayeen xafiiska shirkada ee magaalada Ceerigaabo.

Arintan ayaa lafjab ku ah shaqaalaha iyo da’yarta wax baratay iyada oo markii hore jirtay caqabad shaqo la’aan balse amuurtan aan hore u jirin ayaa noqotay caqabad iyo fadeexad kale oo soo korodhay oo shirkada Daryeel hormuud ka tahay.

karinnews

http://karinnews.com/articles/15884...uc-Ka-Ah-Waayo-Qabiilka-Xaaraanta-Laga-Dhigay
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Latest posts

Top