Breaking: Kenya humiliates Axmed Madoobe all Kismayo flights to Nairobi must go through Wajeer

TekNiKo

“I am an empathic and emotionally-aware person.
VIP
Kenya oo Kismaayo kusoo rogtay xayiraad ah dhinaca duulimaadyada + Sababta
December 5, 2019
Kismaayo (Caasimadda Online) – War kasoo baxay Hay’adda Duullimaadka rayidka Kenya ayaa waxaa amaro cusub oo dhinaca duulimaadka ah lagu soo rogay Diyaaradaha ka duula Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee ku wajahan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Amarkaan ayaa lagu shaaciyey in Diyaaradaha ka baxa Kismaayo ee ku wajahan Nairobi ay sii maraan magaalada Wajeer si loogu sameeyo baaritaan la xiriira dhinaca amniga.

14-kii Bishii la soo dhaafay ee November ee sanadkaan 2019 ayaa kulan ay magaalada Nairobi ku yeesheen Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ay ku kala saxiixdeen heshiis ku saabsan in diyaaradaha ka baxda Muqdisho ay si toos ah u tagaan Nairobi oo aysan marin Wajeer.

Heshiiskaas ayaa dhigaya in dhamaan diyaaradaha ka baxa Soomaaliya marka laga reebo Muqdisho ay maraan Wajeer si halkaas baaritaan loogu sameeyo.

Intii uu jiray Khilaafka dowladda Federaalka ah iyo Kenya, diyaaradaha ka baxa Kismaayo waxaa ay si toos ah uga dagi jireen Nairobi, waxaana dowladda Kenya sheegtay in hadda laga doonayo in ay maraan Wajeer si loo baaro.Kismaayo, oo ah caasimadda ku meel gaarka Jubaland, waxaa haatan saaran xayiraad dhanka duulimaadka ah oo ay kusoo rogtay dowladda federaalka Soomaaliya, oo xiriir fiican uusan kala dhaxeyn maamulkaas.

Go’doominta oo ah in diyaaradaha tegaya ama kasoo baxaya Kismaayo ay soo maraan Muqdisho ayaa waxaa shaqooyinkooda ku waayey boqolaal qof, halka ay sare u qaadey qarashka duulimaadyadda.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa Axadii lasoo dhaafay tegay Nairobi, isaga oo la kulmay siyaasiyiin iyo madax.

Kenya oo ciidamo ka tirsan AMISOM ay ka joogaan Jubaland ayaa xiriir dhow la leh Axmed Madoobe, waxayna ka taageertay in Al-Shabaab laha saarey Kismaayo sanadka markii uu ahaa 2012-kii.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa dhibaato waxaa ay kala kulma sii marista magaalada Wajeer oo si weyn loogu baaro, waxaana dhowr jeer Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay kala saxiixdeen heshiis dhigayey in diyaaradaha ay si toos ah u tagaan Nairobi, balse Kenya ay ka baxday markii dambe.


:drakelaugh::chrisfreshhah:

Meanwhile flights to Muqdisho go straight to Nairobi as Mudane Farmaajo has shown to be a man of honour, enforcing that agreement:mjlol:


Respect is earned by respecting yourself, Ilmo Kikiyu must wait in Wajeer for 2 hours:drakelaugh::drakelaugh::russ:
 
Caasimada online are such sensationalists:ftw9nwa:

Flights from Kismaayo where going through Wajeer that never changed.

The Kenyans stopped their stop over trollfest on Xamar but somehow not Kista :oops:
 
Most flights from Kismaayo go to Xamar before they go to Nairobi.
So Any flight that came from Kismaayo originaly will have to stop in Wajir.
 

Trending

Latest posts

Top