Somali joke

Status
Not open for further replies.

Nalle

🥰🥰🥰
Another one. This time about a goat herders first experience with camels.

Wiil ariga raaci jiray oo caqli yari lagu xaman jiray baa maalin oday ay qaraabo ahaayeen la joogay meel miyi ah. Wuxuuna ahaa nimaan weligiis geel raacin oon geela aqoon u lahayn. Waxaa dhacday in uu odaygu u baahdo inuu tuulo aan sidaa u fogayn arrin ka soo dhameysto, odayguna nin geel badan iska leh ayuu ahaa. Wuxuu wiilka ku yiri "intaan ka soo laabanayo tuulo heblaayo, nirigtaa yari oo dhawaan dhalatay bal isha ku hay kollayba geela kale ma ilaalin kadhid", sidii na ayuu ku tegey odaygu.

Wiilka oo weligiis ari iyo lo' mooyee aan geel wax badan ka arag baa nirigta indhaha la raacay, mase waaba iyadoo markay istaag is tiraahdo ba kolba dhacaysa. Wuxuu is yiri, malaha lugaheeda dhaadheer ayay dhibtu ka jidhaa oo ay la istaagi kari la'dahay. Intuu baangad soo qaatay ayuu lugihii dhexda ka jaray kkkk

Cabbaar kadib ayuu odaygii soo labtay, mase nirigtii yareyd intuu ku ogaa barkeeda ayay tahay :ftw9nwa:

Suu yiri "War maxaa ku dhacay nirigta inleen adigaan kaaga tegeye"

Wiilkii wuxuu mooday inuu odaygu ka yaaban yahay siday lugaheedu weli u dhaadheer yihiin, wuxuuna ku jawaabay:

"Ma intaan baad la yaaban tahay? Wixii aan ka guray baa ka daran"

:damn::damn:

Ala beerka this shit is hilarious. Best thread in a while.
Also I gotta say just like @SilverL mentioned earlier. It is really easy reading your stories, sii fiican baad u baratay af somaliga mashaAllah:qri8gs7:

Man this is my sheeko xariir before I go to bed, keep them posting :cryinglaughsmiley: this thread needs to stay alive
 
:birdman::russ::pachah1::susp: Islaanta khasiisnaa uff caleek, ma isku xishooneyso the only thing liibaxa asked for was an explanation, not in ay mudh iyo gacan iska siiso and show him that never ending tunnel :lolbron::dead:

This one is classic, if you haven’t heard about Cigaal Shidaad then you are missing on a lot.

Sida la garanayo Cigaal Shidaad waxa uu ahaa fuleyga number one-ka ee Somalia.
Habeen habeenada ka mid ah baa isaga oo dalaan buu ku yidhi islaantiisa heblaayo ”caawa aad baan u daalanahay, aynu bal seexano goor hore”. Waa yahay bey tidhi oo sariirta bey tageen:siilaanyolaugh: calaa kuli xaal qolku waa madow feynuusna ma shidna. Dharkii midh midh bey u duleen:siilaanyosmile: Cigaal Shidaad baa Markii dambe baqdin weyn kuu soo duldagtay. Waaka inta uu haf iyo balow yidhi buu ka orday sariirtii oo kujinka ka soo qabsaday kibriid!! Waa ka dab inta uu shiday uu islaantiisii hoosta kaga dhajiyay:mugshotman: Islaantii qaylo bey ku dhufatay war hayaaay maad waalantahay!! Halkaad noo gubtay.:damn: Cigaal Shidaad baa ugu jawaabaay ”Naayahe shuunkaaga baan ka baqay in uu balo iyo xansharaad ay ka buuxan, waxaan is idhi ku gub bal waxa isku qarinaya halkaas dhexdeeda, walee la ima cunayo aniga caawa:wowsweat:
Walaahi Cigaal Shidaad is soo me I could imagine experiencing a situation like this, I hate insects and spiders :jcoleno:

@buule waryaa I saw you in another thread randomly commenting on how your shuun is over 1 meter and looking like rastafari, this is excatly what Cigaal iyo anigaba aanu ka baqano. Do something about it wll:wow1:
:chrisfreshhah:Cigaal Shidaad Qisooyinkiisa dhan waa qosol miiran.
 

Dalmoor

Hiatus✅ 1/18/21- ?
VIP
Waan jecelahay ninkaas, Aniga aa ka fulaysan Cigaal Shidaad. Markaan habeenkii cabsada oo aan trashka tuuri rabo Ilmaha yar aan iska hormariyaa.
"trashka tuuri rabo..."

That's somaenglish:dead::dead:

Just say qashinka/wasaqda instead of trash....loooool
 

Dalmoor

Hiatus✅ 1/18/21- ?
VIP
Nin baa maalin wadada iska maraayay marku arkay islaan keligeeda iska socoto, hor iyo gadaal sidi qof dhunsan oo kale.
I think you should've added a comma after "oo kale" instead of a period.
"anaa kula xulaayo" bu ninka yiri.
The way you wrote is right, but you can also say

"Anaa kula raadinayo" ayuu ninka yiri/yidhi or iraahde.
Cabaar kadib ayaga oona wax heelin,
Wax yar kadib iyagoo waxba helin

is also allowed.
ninka aminkaan wu yaabey
Instead of aminkaan. You can say iminkaan or markaan

"Ninka iminkaan wuu yaabey"

Or




"Ninka markaan wu yaabey"
Islaanta na, ayada xataa nafteeda waa yaabtey
Iyada is quite fitting, but you're good so far!

Xataa
or xitaa

Wey yaabtey, but it's ok to say "Waa yaabtey" even tho It kinda feels weird to say:damedamn:


Mahadsanid,


Abwaan Dalmoor.
 

Manafesto

[[Puntland Republic 🇸🇱]]PIM[[C.S(BihinYusuf)]
VIP
HalimoEnthusiast
Wiil iyo Aabihiis oo kaluumaysto ka ah tuulo ku taal xeebaha gobalka Bari ayaa wiilku shaqada daalka badan ee aan dhamaanayn ayuu aad u dhibsaday markaasuu aabihii su'aal waydiiyey iyagoo nasasho yar kaga jira shaqada.

Wiilka. : Aabe aakhrina ma sidaan baan kaluun u dabaynaa ayaa oo aroortii aan badda ugu jarmadaynaa?

Aabihiis: Aabe nina camal la'aan meel uma fadhiyo .:hemad:
 
I think you should've added a comma after "oo kale" instead of a period.

The way you wrote is right, but you can also say

"Anaa kula raadinayo" ayuu ninka yiri/yidhi or iraahde.

Wax yar kadib iyagoo waxba helin

is also allowed.

Instead of aminkaan. You can say iminkaan or markaan

"Ninka iminkaan wuu yaabey"

Or




"Ninka markaan wu yaabey"

Iyada is quite fitting, but you're good so far!

Xataa
or xitaa

Wey yaabtey, but it's ok to say "Waa yaabtey" even tho It kinda feels weird to say:damedamn:


Mahadsanid,


Abwaan Dalmoor.
We say amin where I am from, not imin
 
:birdman::russ::pachah1::susp: Islaanta khasiisnaa uff caleek, ma isku xishooneyso the only thing liibaxa asked for was an explanation, not in ay mudh iyo gacan iska siiso and show him that never ending tunnel :lolbron::dead:

:pachah1:Though extreme, you can't argue with her methods, it produced results.

If you liked that story there's more where that came from :samwelcome:
 
They have their own accent? I thought amin was the more common version. I don't think I've ever heard iminkaan

Not sure. I know Isaaq strictly uses only iminka, so I’d think their close neighbours would too. I know a few OGs from south and they say aminka. Just a guess.
 

one

ᶜᵃʷᵒ ᶜᵃʷˡᵒ
It is lafdhabarta
Laf dhabarka? That is not right wth
Okay. Let's use some examples. How would you translate in Somali:
"Somali women(or men...I'm not in the mood to trigger anyone so) are the backbone of the Somali people"
Haweenka/ragga soomaliyeed waa laf-dhabarka dadka soomaliyeed
or
Haweenka/ragga soomaliyeed waa laf-dhabarta dadka soomaliyeed
 
Okay. Let's use some examples. How would you translate in Somali:
"Somali women(or men...I'm not in the mood to trigger anyone so) are the backbone of the Somali people"
Haweenka/ragga soomaliyeed waa laf-dhabarka dadka soomaliyeed
or
Haweenka/ragga soomaliyeed waa laf-dhabarta dadka soomaliyeed
Laf-dhabarka sounds right to me too.
 
Cigaal shidaad iyo jird geed ama kurtin kuu mooday libaax

Geedyahow ma waxaan ku mooday !?
Mise waxaad noqotay ?
Mise waxaan loo noqon doonin !?

Isago isuu jawaabay wuxu idhi

Waxaan ku mooday Libaax.

Waxaadse noqotay Geed

Waxaanan loo noqon doonin habeen guure dambe !

Another one:

Nin baa waxa lugu yidhi: maad riyoota?
Wuxu ugu jawaabay: waxa kaa horeeysa maad seexataa
 
Okay. Let's use some examples. How would you translate in Somali:
"Somali women(or men...I'm not in the mood to trigger anyone so) are the backbone of the Somali people"
Haweenka/ragga soomaliyeed waa laf-dhabarka dadka soomaliyeed
or
Haweenka/ragga soomaliyeed waa laf-dhabarta dadka soomaliyeed

Laf dhabarta sounds right
:dabcasar:Wll af somaaliga waxba kama garaneeyaan ha wareerin
 
Here is another one.

Inan(boy) baa maalin jimce ah tagay masaajidka. Iyadoo khudbaddii la bilaabay buu fadhiistey safka labaad. Sheekhii khudbadda qabanayey ayuunbaa eegay inankii soo galay wuxuuna arkey kii oo farta-dhexe tusaya. Isagoo yaabban buu ka jeestay markaasuu haddana eegay wuxuuna arkay inankii oo carrabka tusaya. Sheekhii wuxuu yidhi isagoo xanaaqsan" saddex ma galayaan jannada, namiimiyaha, ka dadka xanta iyo hooyadii wasahan bila akhlaaqda ah".
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Latest posts

Top