President meets with Heads of Military, Police and Intelligence

IKHALIIL

Suldhaanka
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay taliyeyaasha ciidanka.

Kulankaan oo ku saabsana dardar-gelinta howl-gallada xoreynta dalka ayaa waxa uu madaxweynaha kula qaatay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Saraakiisha hoggaaminaya howl-gallada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda JFS.

Madaxweynaha ayaa marka hore bogaadiyey naf-hurnimada geesiyaasha Soomaaliyeed ee u istaagay xoreyta deegaannada ay argagixisadu kaga harsan yihiin dalka.

Saraakiisha ayuu u sheegay madaxeynaha in si adag la iskula xisaabtamayo arrimaha la xiriira dagaalka socda, maadaama uu aas-aas u yahay jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

“Mar walba cadowga waa la jabiyaa. Markaan waxaan rabnaa in aysan dib u soo laaban khawaarijta deegaannnada lagu jabiyo, waxaan dooneynaa in cadowga goobaha laga saaro la hubiyo si aysan dib ugu soo noqon,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo taliyeyaasha iyo saraakiisha hoggaamineysa howl-gallada faray in aysan dib u dhicin wixii dhawaan ka dhacay deegaano ka tirsan Galmudug, oo dib u qabsatay kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in dowladda ay ka go’an tahay cirib-tirka argagixisada, dadaalladdii looga miro dhalin lahaana ay bud dhig u yihiin hoggaan wanaagga Saraakiisha hurmuudka u ah howlgallada.


Waxa uuna sheegay in iskaashiga iyo la shaqeynta shacabka ay door weyn ka qaadaneyso dagaalka dalka lagu xoreynayo iyo sugida amniga caasimada iyo deegaanada ku hareeraysan.

Kulankaan ayaa imanaya maalmo kadib markii ciidamada xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo xoogaggii dib u xoreynta shacabka ay isaga baxeen dhulkii ragga badan ay ku shahiideen ee laga xoreeyey Al-Shabaab ee koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan degmooyinka Camaara iyo Bacaadweyne.

Xaaladdaan ayaa gil-gishay halgankii dalka looga xoreynayey Khawaarijta ee labada sano soo socday, waxayna dad badan ka niyad jabeen sida ay wax u socdaan, eedda ugu badan waxay dul hoganeysaa taliska ciidanka xoogga dalka.

Maanta furinta ugu dambeysa ee askari Soomaaliyeed uu difaac uga jiro waa degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud iyo degmada Wisil ee gobolka Mudug, ciidan u badan kuwii lagu soo tababaray dalka Eritrea oo dhawaan la geeyey halkaas iyo guutada Abuu-dujaana ayaa baneeyey deegaanadaas.

420203572_843832221121252_5572437973686821612_n.jpg


417544921_843832107787930_2534719376066248053_n.jpg


418149854_843831991121275_1482642604961396422_n.jpg


419491288_843832014454606_9072452970255115618_n.jpg


417533012_843831987787942_4141107639322413084_n.jpg


417519520_843832094454598_8336427496175985826_n.jpg


419327324_843832234454584_9180259176718187204_n.jpg
 
Top