Interesting Interview On Galkayo History. AUDIO

Status
Not open for further replies.

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
(Dhageyso Wareysi Taariikh dhab ah):- Nabadoon Yaasiin C/samad Oo ka hadlay heshiiskii 1993 iyo Sida Gaalkacyo loo kala lee yahay.
Nabadoon Yaasiin Cabdisamad Cumar oo ka mid ah Waxgaradka Gobolka Mudug oo wareysi dheer oo taariikh dhab ah ku qotoma siiyey Radio Daljir, ayaa ka sheekeeyay taariikhda rasmiga ah ee Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo oo hadda u qaybsan labo dhinac laga soo bilaabo 1896-dii markaas oo ay bilaabatay kala lahaanshaha dhulka Gobolka Mudug.

Nabadoonku waxaa uu sidoo kale ka hadlay heshiiskii magaalada Gaalkacyo dagaallo ka dib lagu soo wada dagay ee ay wada saxiixeen Alle ha u naxariistii Kornayl C/laahi Yuusuf Axmed iyo Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid, kaas oo uu sheegay inuu qodobo badan ka koobnaa balse hal qodob oo qura uu ka dhaqangalay qodobkaas oo ah in magaalada la wada dago, dagaalka mar walba gaalkacyo ka dhaca iyo xiisadaha coladeed ee soo cusboonaadana ay salka ku hayaan dhammaystir la’aanta heshiiskaas.



Nabadoon Yaasiin Cabdisamad Cumar ayaa dhinaca kale ka hadlay waxa xigi doono heshiiskii Gaalkacyo dhawaan lagu gaaray hadda laga dhaqan galiyey illaa seddex qodob oo la xiriiray Xabbad joojin, kala qaadista Ciidamada iyo in wada hadal dhab ah la yeesho, waxaana nabadoonku uu hoosta ka xariiqay in illaa la isla fahmo oo la caddeeyo heshiiskii Gaalkacyo lagu wada dagay 1993-dii aysan Gobolka wax nabad iyo wada noolaansho ah ka dhacayn.

Halkaan ka dhageyso wareysiga oo dhinacyo badan taabanaya.
Audio Player
http://puntlandone.com/wp-content/u...in-Cabdisamad-online-audio-converter.com_.mp3

01:29
03:07
18:56
Use Up/Down Arrow keys to increase or decrease volume.




__________

PuntlandOne.com

Post@puntlandone.com

Gaalkacyo

564 Views
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top