Howlagalo lagu weeraray khawaarijta oo Ka dhacay Gobolka Baay deegaanada Daynuunay iyo moodamoode

mohamedismail

Reewin. Lixda Gobol ee Maayland unii leh!
FB_IMG_1701733441290.jpg
 

mohamedismail

Reewin. Lixda Gobol ee Maayland unii leh!
Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyay deegaano ka tirsan gobalka Bay waxaa ay ku khaarajiyeen horjoogihii khawaarijta u qaablisanaa baada shacabka gobalada Baay, Bakool iyo Gedo.

Ururka 47-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa fuliyay Howlgalka lagu dilay horjoogaha argagixisada ee baada ka qaadi jiray shacabka , waxaana uu si gaar ah uu howlgalkani uga dhacay nawaaxiga degaanada Mooda-moode, iyo Daynuunaay gobolka Baay.

Taliyaha Ururka 47-aad guutada 8-aad qeybta 60-aad Xds X/le Axmed Maxamed Nuur (Axmed Nuur Dhegeey) ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalka ay ku dileen Horjooge Xuseen Caddoow Jilib-gaab oo maleeshiyada argagixisada ah u qaabilsanaa baada laga qaado dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolada Baay, Bakool, iyo Gedo.
 
Top