Dagaal Ka dhaxeeya laba horjooge Al shabaab oo Ka qarxay Galgaduud.

mohamedismail

Reewin. Lixda Gobol ee Maayland unii leh!
Dagaal udhaxeeya Laba Horjooge oo kawada tirsan Khawaarijta ayaa ka socda degaanka Biyo oo u dhexeeya tuulada Burujeed iyo Magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Dadka deegaanka barujeed ayaa ku waramaya in ay maqlayaan dhawaqa hubka kooxdu isku adeegsaneyso waxaana dagaalka ka dhashay khasaare xooggan oo cadowga kala gaaray.

Dagaalka ayaa ka dhashay khilaaf salka ku haya dagaalkii maalmo ka hor Khawaarijtu ku qaadday Barujeed oo horjoogihii Maleyshiyaadka xukumayay oo guriceel ka soo jeeda uu diiday inuu weerarkaas qaado isla markaana xabsiga la dhigay.

Saddex horjooge iyo maleyshiyaad fara badan ayaa wararku xaqiijinayaan in dagaalka ay ku geeriyoodeen in kastoo aan wali magacyadooda la helin.

Faah faahinta halkaan ayaad kala socon doontaan.
 

mohamedismail

Reewin. Lixda Gobol ee Maayland unii leh!
This shows that the khawaarij are becoming defeated. Now that they are infighting due to the pressure being put on them by SNA.
 

Trending

Latest posts

Top