16,500 PL student will participate for PL 2019-2020 high school & 8 Grade Exams.

FBIsomalia

True Puntlander
VIP
Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland, ayaa maanta Sabtiya shaacisay tirada ardayda u fariisanaysa imtixaanka Shahaadiga ah, xarumaha imitixanaadka lagu galayo, Kormeerayaasha iyo Macallimiinta ka qayb galaya Ilaalinta Imtixaanka.

Tirada ardayda u fariisanaysa imtixaanka dowladda Puntland, ayaa sannadkan gaaraysa 16,500 arday oo isugu jira Fasalka 12aad ee dugsiga sare iyo Fasalka 8aad ee dugsiga dhexe, sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda, ayaa sidoo kale lagu sheegay in 132 xarumood oo ku yaalla dhammaan gobollada Puntland lagu gelayo Imtixaanka, islamarkaana ay ilaaliyaal ka noqon doonaan 1000 macallin oo isugu jira dugsiyada dhexe iyo kuwa sareba.

Sidoo kale, 150 Kormeerayaal ah oo isugu jira shaqaalaha Wasaaradda iyo hawl-wadeennada kale ee imtixaanka ayaa kormeeri doona imtixaanka, halkan 400 oo ciidan Booliis ah loogu tala-galay in ay waardiyeeyaan.

Tirada Ardayda guud ee imtixaanka Shahaadiga ah gelaysa dugsiyada dhexe iyo kuwa sare, ayay wasaaradda ku sheegtay 16,500 oo Arday, kuwaas oo isugu jira 7017 gabdhood iyo 9483 wiil.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland,ayaa sida qorshaysan loo fariisan doona 27-da bishaan June 2020, kadib markii dhowaan jadwalkiisa wax laga beddelay, sababa la xiriira faafidda Xanuunka COVID-19.

PUNTLAND POST
 
Either kids arent going to school or population is smaller than we thought 16500 is very small number it should be in the 100s thousands at least.
 

FBIsomalia

True Puntlander
VIP
Either kids arent going to school or population is smaller than we thought 16500 is very small number it should be in the 100s thousands at least.
You are right, the issue is PL didn't use to have Schools before 1991. Still some villages and cities dont have schools because of Kacaan.
 

Trending

Top